Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa aqalka Congress-ka Mareykanka ku wargeliyay qorshihiisa ah in dalalka Koonfur Afrika iyo Rwanda laga saaro barnaamijka ganacsi ee mudnaanta gaarka ah siinaya, laga bilaabo 1-da Janaayo sanadka soo socda ee 2027.
Barnaamijka African Growth and Opportunity Act (AGOA) ayaa dalalka Afrika ee buuxiya shuruudaha u oggolaanaya inay kumannaan badeecooyin ah u dhoofiyaan Mareykanka iyaga oo aan laga qaadin canshuuraha kastamka.
Wakiilka Ganacsiga Mareykanka, Jamieson Greer, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dib-u-eegis sannadeed lagu sameeyay barnaamijka lagu ogaaday in labada dal ay ku dhaqmayaan hab-dhaqanno aan waafaqsanayn shuruudaha looga baahan yahay dalalka ka faa’iideysta barnaamijka.
Waxa uu intaas ku daray in maamulka Trump uu labada dal si rasmi ah ugu wargeliyay go’aanka.
Maamulka Trump ayaa sababaha uu tallaabadan u qaaday ku sheegay caqabadaha hortaagan ganacsiga iyo maalgashiga Mareykanka, iyo sidoo kale walaacyada la xiriira amniga qaranka iyo danaha siyaasadda arrimaha dibadda ee gobolka.
Dhanka Rwanda, Washington ayaa sidoo kale walaac ka muujisay xaaladda xuquuqda aadanaha, hannaanka siyaasadeed ee xisbiyada badan, ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda shaqaalaha.
Go’aankan ayaa imaanaya wax ka yar toddobaad kaddib markii Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ay cunaqabateyn saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Rwanda, sababo la xiriira doorka lagu eedeeyay inay ku leedahay kacdoonka hubeysan ee ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in Wasaaradda Gaashaandhigga Rwanda ay kumannaan askari u dirtay bariga Congo, si ay ula dagaallamaan kooxda fallaagada ah ee M23, iyadoo siisay hub, qalab milatari, taageero saadka ah iyo tababar.


