Golaha Mustaqbalka oo magacaabay saddex xubnood oo wadahadal la furaya DFS

Shirar kala duwan oo uga socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed magaalada Muqdisho ayaa la isku raacay in Madasha Samatabixinta ay jawaab rasmi ah ka bixiso qorshaha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan ka qaybgalka shirka uu ku casuumay dhinacyada mucaaradka.

Madasha Samatabixinta ayaa soo dhoweysay in wadahadal dhexmaro dhinacyada Soomaaliyeed, si xal looga gaaro xaaladaha siyaasadeed ee cakiran ee dalka, iyadoo muujisay inay diyaar u tahay dadaallada lagu doonayo in lagu gaaro is-afgarad siyaasadeed.

Sidoo kale, Madasha Samatabixinta ayaa magacowday saddex xubnood oo ka mid noqonaya guddiga wadaxaajoodka ee la fariisanaya dhinaca Dowladda Federaalka, ka hor 14-ka bishan, si looga wada hadlo diyaarinta ajande ay dhammaan dhinacyadu ku qanci karaan.

Xubnaha loo magacaabay guddigan ayaa kala ah Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed, iyo labada Xildhibaan ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdullaahi Carab.

Magacaabistan ayaa muujinaysa tallaabo ay Madasha Samatabixintu u qaaday dhanka wadaxaajoodka, xilli uu taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, gaar ahaan arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka.

Wadahadallada hordhaca ah ayaa la filayaa inay gogol-xaar u noqdaan go’aanka ugu dambeeya ee mucaaradku ka qaadanayaan casuumaadda Madaxweyne Xasan Sheekh ee shirka Muqdisho.

WARARKII KALE

Doorashada Mareykanka oo maanta bilaabatay

Malaayiin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaado...

Jubbaland oo DDS ku wareejisay nin dilal ka geystay Itoobiya oo baxsad ahaa

Maamulka Jubbaland ayaa maanta maamulka Gobolka Liibaan ee Dowlad...

Jaamacadda Carabta oo garab istaagtay Soomaaliya, kana hortimid tallaabada Israa’iil ee Hargeysa

Jaamacadda Carabta ayaa si rasmi ah u cambaareysay tallaabada...

Hindiya oo markab burcad-badeeddu qabsadeen ka furtay xeebaha Soomaaliya

Dowladda Hindiya ayaa ku dhawaaqday inay howlgal milatari oo...

Trump oo labo dal oo Afrika ah ka saaraya heshiiska ganacsi ee Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa aqalka Congress-ka Mareykanka ku...

Wadamada Khaliijka ayaa ka baqaya aargoosiga Iran hadii uu dagaal qarxo

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in hanjabaadaha madaxweyne...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles