Tuesday, May 13, 2025

Puntland oo gacanta ku dhigtay xubno gacan saaar la leh Daacish iyo Al Shabaab.

Ciidamada PMPF oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh AS iyo Daacish iyo hubkii ay wateen.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PMPF ayaa lagu sheegay in shabakaddaasi ay gacanta ku dhigeen Ciidanka sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA kadib hawlgal ciidan oo ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso.

” Ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee PMPF oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Boosaaso gacanta ku dhigay shakhsiyaad ka tirsan shabakado gacansaar la leh Argagixisada, kuwaas oo lagu soo qabtay walxaha qarxa iyo hubka culus” ayaa lagu yiri Qoraalka PMPF.

 

Shakhsiyaadka gacanta lagu dhigay ee qaybta ka ah Shabakado lagu raadjoogo ayaa lagu qabtay noocyada kala duwan ee hubka culus, Budada laga Sameeyo walxaha Qarxa, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 12/05/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

RW Xamsa Hadaf keenun Waa Doorasho Qof iyo Cod Ah”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

DFS iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo shir uga furmay Magaalada Nairobi

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir...

Xujeyda Soomaaliyeed oo gaaray dalka Sacuudi Carabi

Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan 1446...

Maxaa looga hadli doonaa kulanka Golaha shacabka ee maanta?

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya kulankoodii...

Ciidamada xoogga iyo kuwa Daraawiishta KGS oo weerar ku qaaday duleedka deegaanka Deynuunay ee Gobolka Baay

Ciidanka Daraawiishta ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo garab...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles