Warbaahinta Bloomberg oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah ayaa sheegtay in shirkadda shidaalka Sacuudiga ee Aramco ay u sheegtay laba ka mid ah macaamiisheeda Yurub in aysan heli doonin saliid cayriin bisha soo socota.
Macaamiisha Yurub ayaa caadi ahaan saliidda cayriin ee Sacuudiga ku hela heshiisyo muddo go’an ah, kuwaas oo dammaanad qaadaya in sahaydu si joogto ah u socoto. Sidaas darteed, dalalka Yurub waa inay raadiyaan ilo kale oo ay saliid ka helaan.
Talaadadii la soo dhaafay, ilo dhowr ah oo ku xeeldheer arrimaha shidaalka iyo amniga ayaa Reuters u sheegay in laba saldhig oo kuwa soo tuuro saliidda oo ku yaalla dhuumaha Bariga–Galbeedka Sacuudiga ay waxyeello ka soo gaartay weerarkii toddobaadkii hore, isla markaana aan weli la cayimin waqtiga lagu dhammaystirayo dayactirkooda.
Dhuumahan oo dhererkoodu yahay qiyaastii 1,200 kiiloomitir oo dhexmara Sacuudiga oo dhan ayaa kaalin muhiim ah ka qaata in shidaal la dhoofiyo iyada oo aan la marin marinka Hormuz. Dhuumaha waxaa maamula shirkadda Aramco.
Madaxda Sacuudiga ayaa hore u sheegay in dhuumahaasi ay si ku-meel-gaar ah shaqada u joojiyeen kaddib markii dornes ka yimid Ciraaq ay soo weerareen.
Aramco ayaa sheegtay in aysan awoodin in shidaal ay siiso labo ka mid ah macaamiisheeda Yurub bisha soo socota
NAGU SOO BIIR


