Banaanbax uu ku baaqay ururka Muslimiinta Pakistan ee PML-N ayaa laysugu soo baxay dhowr magaaloo oo ku yaal dalka.
Dadweynaha ayaa ka horjeeday weerarada Xuutiyiintu ku qaadeen Sacuudiga kuwaas oo lagu beegsaday magaalada Makah.
Dibadbaxayaasha ayaa muujiyay in ay garab taagan yihiin Sacuudiga, waxayna ku baaqeen in la difaaco magaalooyinka barakeysan ee Makah iyo Madina.
Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay Lahore, Islamabad, Karachi, Gujranwala, Faisalabad, Hyderabad iyo dhowr magaallo oo kale oo ku yaal Pakistan.
Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay hal-ku-dhigyo looga horjeedo Xuutiyiinta Yemen, waxay kaloo siteen dadka boorar lagu taageeryo Sacuusdiga.
Xuutiyiinta Yemen wey beeniyeen in ay weerareen goobaha barakeysan ee Makah, balse Sacuudiga ayaa sheegay in ay ka hortageen diyaarad aan duuliye laheyn oo la doonayay in lagu weeraro Makah.
Wasiirka difaaca Pakistan, Khawaja Asif, ayaa shalay sheegay in weerarada Xuutiyiinta ay ku soo aadeen waqtigii la hirgelin lahaa heshiiska Makah ay wadagaleen Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan.
Dibadbaxyo lagu taageeryo Sacuudiga ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaal Pakistan
NAGU SOO BIIR


