War ka soo baxay Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu faahfaahiyay dhacdo ka dhacday Isbitaalka Muqdisho ee degmada Yaaqshiid, taas oo la xiriirtay hooyo lagu magacaabo Zamzam Maxamuud Cilmi iyo ilmaheeda.
Booliiska ayaa sheegay in Zamzam ay isbitaalka tagtay 19-kii Sebtembar 2026, halkaas oo qalliin loogu sameeyay, iyadoo maalintii xigtay dhashay wiil. Qoyska hooyada oo danyar ah ayaa la sheegay inay awoodi waayeen bixinta kharashaadka caafimaadka iyo jiifka.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, maamulka isbitaalka ayaa dacwad ka gudbiyay aabbaha ilmaha, kadib markii ay soo bixi waayeen lacagihii lagu lahaa, waxaana aabbaha la sheegay inuu weli ku xirnaa maamulka isbitaalka.
Booliiska ayaa sheegay in 28-kii Sebtembar Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud uu soo saaray amar lagu farayay in hooyada iyo ilmaheeda laga soo badbaadiyo xaaladda ay ku jireen, isla markaana la raaco habraaca sharciga.
Ciidanka Booliiska ayaa sheegay inay amarka gaarsiiyeen maamulka isbitaalka, balse maamulka uu diiday in hooyada iyo ilmaha la fasaxo, isagoo ku adkaystay in marka hore la bixiyo lacagta lagu leeyahay.
Arrinta ayaa markii dambe isu beddeshay is-mariwaa iyo rabshad dhex martay ciidanka iyo maamulka isbitaalka, iyadoo Booliisku sheegay in amar-diiddo iyo adeegsiga hub ay dhacdada qayb ka noqdeen.
Taliska Booliiska Banaadir ayaa sheegay in ciidamadu ay gudaha isbitaalka hubkooda la galeen xilli ay doonayeen inay soo badbaadiyaan hooyada, oo sida Booliisku sheegay wajahaysay xaalad caafimaad iyo daryeel-xumo.
Booliiska ayaa caddeeyay in dhacdada ay hadda ku socoto baaritaan, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono maamulka isbitaalka iyo cid kasta oo lagu helo fal sharci-darro ah ama khalad la xiriira dhacdadan.


