Sunday, December 28, 2025

Booliiska Muqdisho oo lacag dul dhigay labo nin oo baxsad ku jiray

Taliska ciidanka Booliiska Soomaliyeed ayaa baahiyay magacyada labo nin oo ku eedeysan in ay dil u geesteen qof shacab ah, raggan dilka geestay ayaana la sheegay in ay baxsadeen.

Booliiska ayaa bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in ay gacan ku siiyaan soo qabashada labadan nin ee dilka geestay, kuwaa oo baadigoob ugu jiraan booliiska sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

“Sadam Cumar C/Samad iyo C/risaaq Cali Maxamed(Aflow) kuna eedeysan in ay si bareer ah u dileen 14/2/2024 askari katirsan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, Marxuum Caamir Ismaaciil Cali 25 jir ah. Waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargalinayaa in ay soo qabashada eedeysanayaashaan ku gacan siiyaan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Booliiska magaalada Muqdisho ayaana u ballanqaaday qofkii keena xog lagu soo qaban karo raggan dilka geestay in lasiin doono lacag gaareysa 10.000 kun oo dollar

“Waxaana lagu abaalmarinayaa ruuxii soo gudbiyay xog sahleysa in gacanta lagu dhigo amma xumin walba oo ka tirsan Hay’addaha amaanka oo ku guuleesya in uu gacanta ku soo dhigo 10.000$ toban kun oo Doolarka Mareykanka ah” ayaa lagu yiri warka booliiska.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 12 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Koofur Galbeed oo si adag u diiday Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Maamulka Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ayaa warsaxaafadeed rasmi ah ka...

Wadamo iyo Ururo ka horyimid aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil

Dalal iyo ururro caalami ah ayaa si isku mid...

Rw hore ee Turkiga oo dalab culus u diray Masar, Turkiga iyo Sacuudiga

Sidoo kale wuxuu sheegay in sanadihii 2012-2013 ay dalal...

Aqoonsi Caalami ah sidaa uma fududa:-Calanka Towxiidka Ixtiraama, kuwa Yahuudda u Ordayoow

Waxaan maanta wajahaynaa isku day qaawan oo si toos...

Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashooyinkii degmooyinka ee ka qabsoomay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC), Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles