Sunday, June 28, 2026

Booliiska Soomaaliya oo soo Bandhigay dhallinyaro lagu eedeeyay Faafinta Anshax-xumo

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan waaxda CID, ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay 10 dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay inay baraha bulshada ku faafinayeen waxyaabo ay booliisku ku tilmaameen kuwo ka hor imaanaya diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Dhallinyarada la soo bandhigay waxaa ka mid ah Waziir Shabalaaza, oo ah YouTuber caan ah, kaas oo lagu eedeeyay inuu baahin jiray muuqaallo ay booliisku ku sifeeyeen kuwo anshax-xumo xambaarsan.

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in baaritaanno lagu hayo dhammaan eedeysanayaasha, isagoo xusay in loo xiray falal la xiriira faafinta waxyaabo ka dhan ah anshaxa guud, diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in tirada dadka la soo xiray ay gaareyso 10 xubnood, isla markaana baaritaannada ay weli socdaan, iyadoo la filayo in la horgeeyo hay’adaha garsoorka marka baaritaannadu soo dhammaadaan.

Dhanka kale, eedeysanayaashan weli maxkamad ma xukumin, waxaana lagu tixgelinayaa kuwo aan dembi lagu helin ilaa ay maxkamad sharci ah si rasmi ah ugu caddeyso eedaha loo haysto.

Maalmihii u dambeeyay waxaa sii kordhayay howlgallada ay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ku beegsanayaan dhallinyarada lagu eedeeyo faafinta waxyaabaha ay mas’uuliyiintu ku tilmaameen anshax-xumo ee baraha bulshada.

Booliiska ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallo lagu ilaalinayo anshaxa bulshada, diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, iyadoo la tilmaamay in cid kasta oo lagu tuhmo falal la mid ah ay la kulmi doonto tallaabooyin waafaqsan sharciga.

WARARKII KALE

Iiraan oo ugu baaqday Mareykanka inuu qaado tallaabooyin ay Israa’iil ku joojiso howlgalladeeda milatari ee Lubnaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Abbas Araqchi, ayaa carrabka...

Somaliland”Siyaasiyiin Reer Somaliland ah ayaa Nairobi kula shiray DF”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in...

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wadahadlay xaalada Gobolka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jabuuti kulan...

Mahad Salaad oo odayaasha dhaqanka ugu baaqay in la joojiyo colaadaha Galmudug

Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Maxamed Salaad, oo tagay magaalada...

Xiisada Mareykanka iyo Iran oo sii xoogeysatay

Maraykanka ayaa qaaday weerarro cusub oo uu ku beegsaday...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles