Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin reer Somaliland ah oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula jira wadahadallo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka oo ka hadlayay shirweynaha Garsoorka Somaliland ayaa sheegay in dowladda ay xog ka hayso kulamadaasi, isagoo ku eedeeyay siyaasiyiintaasi inay isku dayayaan inay wiiqaan mowqifka Somaliland.
“Maanta waxaan ognahay rag waa weyn oo siyaasiyiin ah oo reer Somaliland ah oo intay Nairobi tageen oo la soo shireen Soomaaliya, ay dheheen: ‘Kan annagaa xagal daacinaynee maxaad noo haysaan,’” ayuu yiri Wasiir Khadar.
Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo aan weli jirin wax faahfaahin ah oo Dowladda Federaalka ama siyaasiyiinta lagu eedeeyay ay ka bixiyeen eedeymahaas.


