Ciidamada Danab iyo Jubbaland oo Hawlgal ka Fuliyay Jubbada Hoose

Ururka 162-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab, oo kaashanaya Ciidamada Jubaland, ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay deegaannada Lagta Welmaarow iyo Lagta Qunbi ee gobolka Jubbada Hoose.

Intii uu socday hawlgalka, ciidamada ayaa soo saaray oo burburiyay miinooyin ay Al-shabaab ku aaseen goobahaasi, kuwaas oo halis ku ahaa shacabka iyo ciidamada.

Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay fariisin ay Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka, iyagoo meesha ka saaray awooddii kooxda ee halkaasi.

Hawlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo ciribtirka maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada gobolka Jubbada Hoose.

WARARKII KALE

Madaxweynaha Iiraan oo war weyn ka sheegay shirka BRICS

Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianXigashada Sawirka,ReutersQoraalka sawirka,Madaxweynaha Iiraan Mas’uud PezeshkianKhudbaddii...

Deni oo tababar u soo xiray ciidan cusub oo ka mid noqonaya ciidanka Puntland

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tababar...

Xuutiyiinta oo ku andacoonaya inay la wareegeen saldhigyo u dhow Bab- al-Mandab

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka dowladda Iran ee IRNA,...

Iran oo ku baaqday in la qaado go’doominta Yemen oo la bilaabo wadahadal

Subaxnimadii Jimcaha, 10-ka Sebtembar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo tagay Taliska Qaybta 1-aad, Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles