Tuesday, March 3, 2026

Booliska Australia oo toogasho ku dilay wiil Soomaali ah iyo Banaanbax socda

Boqollaal qof oo ka tirsan Jaaliyadaha Soomaalida iyo Afrikaanka ee ku nool magaalada Melbourne, Australia ayaa isugu soo baxay bannaanbax weyn oo lagu muujinayo caro, iyo cambaareyn xooggan oo ka dhan ah dilka muwaadin Soomaaliyeed ee lagu magacaabi jiray Cabdifataax Axmed, kaas oo ay booliska gobolka Victoria ku toogteen habeenimadii Khamiistii la soo dhaafay.

Booliska ayaa sheegay in ninkan 35-jirka ah uu ku hubeysnaa toorrey, ayna rasaas ku fureen kadib markii uu ku gacan sayray amar ay ku siiyeen inuu dhigo hubka. Sida ay sheegeen saraakiisha, labada askari ee toogtay Cabdifataax ayaan wadan qalabyo kale oo lagu xakameeyo qofka sida sunta ka ilmeysiisa ama koronto gariirisa, taasoo keentay inay si toos ah ugu furaan rasaas.

Dadka bannaanbaxa dhigayay ayaa si adag u cambaareeyay ficilkaas, iyagoo ku tilmaamay mid arxan darro ah oo muujinaya cunsuriyad iyo ka fakar la’aan ku saabsan xaaladda dhimirka ee ninkan.

Fartuun Axmed, oo ka tirsan ururrada jaaliyadda Soomaalida ee Victoria, oo la hadashay BBC-da ayaa  sheegtay: “Waxaan halkaan isugu soo baxnay anagoo ah Jaaliyadaha Soomaalida iyo Afrikaanka inaan ka mudaaharaadno dhibaatadii iyo dilkii foosha xumaa ee loo geystay walaalkeen Cabdifataax Axmed taas oo dhammaanteen argagax iyo shoog nagu riday.”

Waxay sidoo kale sheegtay inay filayeen in booliiska Australia ay dadka ilaaliyaan, balse falka dhacay uu si weyn u dhaawacay kalsoonidii ay ku qabeen hay’adaha amniga. Waxay ku baaqday in dowladda Victoria ay si buuxda u caddeyso sida dhacdadani ku dhacday, ayna qaado tallaabo sharci ah.

Meydka marxuumka ayaa weli gacanta ugu jira booliska, iyadoo baaritaanno socdaan. Warar ayaa sheegaya in toddobaadkan gudihiisa la filayo in la fasaxo si loo aaso.

Dhacdadan ayaa dhalisay dood xooggan oo ku saabsan sida booliska Australia ula tacaalaan dadka xanuunsan dhanka maskaxda, gaar ahaan dadka madowga ah iyo kuwa muhaajiriinta ah, waxaana la saadaalinayaa in cadaadis cusub uu ku iman doono laamaha amniga gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles