Farmaajo oo ka digay in la dacaayadeeyo ciidamada xoogga ee dagaalka kula jiro Al-shabaab

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay dacaayado uu ku tilmaamay kuwo raqiis ah oo ay faafinayaan kooxaha argagixisada, kuwaas oo lagu wiiqayo sumcadda iyo kalsoonida Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed. sida uu ku sheegay qoraal soo saaray.

Farmaajo ayaa sheegay in wararka lagu sheegayo in guuldarrooyin la gaarsiiyay Ciidanka Xoogga Dalka aysan wax sal iyo raad ah lahayn, isagoo caddeeyay in ka bixitaanka ciidanka ee magaalooyinka qaar uu yahay istiraatiijiyad dagaal, oo aan micnaheedu ahayn in ciidanku jab ku dhacay.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan la wadaagayaa inay ka feejignaadaan dacaayadaha raqiiska ah ee argagixisadu ay ku doonayaan in ay ku sumcad dilaan ciidamadeenna geesiyaasha ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore. “Ciidamadu waxay u dagaalamayaan si ay u sugaan amniga shacabka iyo qarannimada, waana waajib in shacabka Soomaaliyeed ay garab istaagaan, hiil iyo hoo.”

Sidoo kale Farmaajo oo lagu dowladiisa lagu eedeeyo inaysan dagaal toos ah la gelin ALshabaab intii uu xukunka hayay ayaa isku difaacay: intii u dhaxaysay sannadihii 2018 ilaa 2020-kii, ciidamada dowlada xoreeyeen magaalooyinka Marko, Jannaale, Ow-Dheegle, Bariirre, Sabiid iyo Caanoole.

Isagoo la hadlayay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada, ayuu Farmaajo ugu baaqay in si dhab ah loo hormariyo danta guud, xasilloonida siyaasadeed, midnimada ummadda Soomaaliyeed, iyo dhameystirka hannaanka dastuurka iyo doorasho lagu wada heshiisan yahay.

Farmaajo ayaa muddooyinkan danbe qaatay mowqif siyaasadeed oo u gaara, wuxuuna aragti ahaan ka leexday siyaasiyiinta mucaaradka ah sida Sheekh Shariif, Xasan khayre iyo musharixiinta kale ee xilka Madaxweynaha oo sida weyn u dhaliila siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Farmaajo wuxuu mararka qaar taageero siyaasadeed La garab istaagay Madaxweyne Xasan Sheekh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 16 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweynaha Ukraine oo difaacay weerarada ay ku hayaan warshadaha Ruushka  

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay inuu “kaliya difaacayo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey oo ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Farmaajo“Hadalkii uu xalay jeediyey Xasan Sheekh waxay muujinayaa inuu rabo Dagaal Sokeeye”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si...

Masar oo fariin adag u dirtay Itoobiya

Masar oo si dadban fariin hanjabaada ugu direysa Itoobiya...

Xasan Sheekh”Cid gurigiisa lagu weerarayo ma jirto”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles