Tuesday, February 24, 2026

Booliska Jigjiga qabtay nin ku eedeysan inuu gabdho Soomaaliyeed ka duubi jiray muuqaallo anshax-xumo ah

War ka soo baxay Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka magaalada Jigjiga ay gacanta ku dhigeen nin lagu eedeeyay inuu muuqaallo anshax-xumo ah ka duubay gabdho Soomaaliyeed oo ku kala nool magaalooyin dhowr ah, kuna dhibaateyn jiray hanjabaado iyo baadqaris.

Ninkan la qabtay oo lagu magacaabo Ayuub, kana soo jeeda magaalada Muqdisho, ayaa sida ay sheegeen Booliska, muddo ka hor uga baxay dalka, isaga oo tegay dalalka Talyaaniga iyo Austria, ka hor inta uusan dib ugu soo laaban Jigjiga.

Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha la qabtay kadib markii haween Soomaaliyeed oo cabasho wata ay u tageen saldhigga, kuna wargeliyeen in looga duubay muuqaallo xasaasi ah, laguna dhibaataynayo hanjabaado joogto ah. Hawlgal ay sameeyeen Booliska MM Jigjiga ayaa lagu guuleystay in Ayuub gacanta lagu soo dhigo.

Baaritaan ay sameeyeen ciidamada booliska ayaa lagu sheegay in taleefanka eedeysanaha laga helay muuqaallo badan oo uu ka duubay gabdho Soomaaliyeed oo ku kala sugan, Muqdisho, Hargeysa, Garoowe, Wajaale, Addis Ababa iyo Jigjiga.

Muuqaalladaas ayaa loo adeegsaday inuu gabdhaha qaar ku cabsi geliyo, halka qaar kalena uu uga faa’iidaystay duruuftooda bulshada iyo dhaqaalaha.

Booliska DDS ayaa sheegay in baaritaannada kiiska Ayuub ay socdaan, isla markaana la marsiin doono sharciga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Axmed Madoobe oo tagay Muqdisho, kuna laabtay Kismaayo Kadib Burburka Wadahadalladii

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta ka...

Golaha Mustaqbalka oo shaaciyay inuu burburay wadaxaajoodkii ay kula jireen MW Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay...

Mareykanka oo ku baaqay in heshiis ay gaaraan DF iyo mucaaradka

War ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa...

DFS oo cambaareysay dad lagu dilay Nigeria

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarro...

MW Xasan Sheekh oo ergo u dirsaday Mucaaradka

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ka mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles