Sunday, February 9, 2025

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay nin boorso ku sitay hilbaha xaaskiisa oo googo’an

Booliska dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay nin la sheegay in uu boorso ku sitay qeyb ka mid ah jir bini adan oo go’ay, iyadoo uu sheegay in ay ahayd xaaskiisa.

Xariga ayaa ka dhacay degmo ku taal bariga magaalada Nairobi markii ciidamada ilaalada ahaa ay ninkan ka shakiyeen inuu watay wax sharci darro ah. Su’aalo kooban ka dib, waxa uu booliska u kexeeyay gurigiisa, halkaas oo ay ka heleen mindi iyo qaybo kamid ah jir googo,ay oo ku jira sariir hoosteeda.

Eedeysanaha ayaa la soo taagay Maxkamad.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordhayaan walaaca laga qabo xadgudubyada ka dhaca gudaha Kenya, iyadoo hay’adda xuquuqul insaanka ay sheegtay in ku dhawaad ​​boqol haween ah la dilay saddexdii bilood ee la soo dhaafay.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 08/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha SODMA oo gaaray dalka Kuwait

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka ee SoDMA,...

Dowladda Soomaaliya oo Aroos Dhigaysa Lammaane Katirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku guurinaysa lammaane mid ka...

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay shir Muhiim Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xamaas oo maanta ah sii deyneysa 3 la heyste oo Israa’iiliyiin ah

Xamaas ayaa Sabtida maanta ah sii deyneysa 3 la...

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 07/02/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles