Booliska Soomaaliya oo gubay Maandooriyeyaal lagu qabtay Dekedda Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay maandooriyeyaal kala duwan oo lagu qabtay Dekedda Muqdisho, kuwaas oo lagu qiyaasay qiimahoodu inuu ka badan yahay 20 kun oo doolar.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan, ayaa sheegay in maandooriyeyaasha la gubay ay isugu jireen noocyada bili-bili iyo Tramadol, isagoo xusay in dalka loo soo geliyay si loogu dhibaateeyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Lacag ka badan 20 kun oo doolar ayaan maanta halkaan ku gubnay. Waxaa jira fursado badan oo bulshada looga faa’iideyn karo halkii lacagtaas loogu adeegsan lahaa waxyeellada shacabka,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Boolisku sii xoojin doono la dagaallanka maandooriyaha iyo cid kasta oo ku lug leh soo dejintiisa iyo ka ganacsigiisa.

“20 kun oo doolar oo lagu soo iibiyay bili-bili iyo Tramadol si dhalinyarada Soomaaliyeed loogu dhibaateeyo, si adag ayaan ula dagaallami doonnaa ganacsatada ku lugta leh falalkaas,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Booliska Soomaaliya ayaa mar kale ugu baaqay bulshada inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago faafitaanka maandooriyaha iyo wax kasta oo halis ku ah caafimaadka iyo mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 26 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

RW Xamsa oo u safray Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Guddiga Doorashada oo aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee laashay doorashadii Galmudug

Guddiga lagu muransanyahay ee doorashada ayaa goordhow ku dhawaaqay...

Itoobiya oo badeshay ciidamadeeda ku sugnaa Baydhabo iyo kuwa cusub oo ay geysay Magaalada

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay beddeshay dhammaan ciidamadii...

Burburin iyo barakac xooggan oo ka socda Buulo Eelay, Muqdisho oo wajahaysa qax

Burburin iyo barakac ayaa xalay saqdii dhexe ka bilowday...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kula kulmay Wasiirka UK u qaabilsan Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Muqdisho kulan kula...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles