Tuesday, June 30, 2026

MW Xasan Sheekh oo Weerar Afka ah ku qaaday Mucaaradka

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu jeediyay ku dhaliilay siyaasiyiinta mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad-goboleedyada, isagoo ugu baaqay inay qaataan mowqif cad oo ku aaddan masiirka dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin mar la safan dowladda, mar kalena la safan mucaaradka, isagoo yiri: “Siyaasiyiinta maalinna annaga nala jooga, maalinna mucaaridka waxaan leeyahay; dadbaa Alle idinka dhigay ee mowqif yeesha. Waxaa idin dhaama mucaaridka qaylinaya, hasha marba geel aada wey abaahi seegtaa.”

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in nidaamka federaalka uusan ka dhignayn kala qaybin dalka, isagoo yiri: “Macnaha federaalku maaha in dalka la kala qob-qobo.”

Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Soomaaliya aysan ku sii jiri karin tartan ku saleysan qabyaalad iyo reer hebel, balse loo baahan yahay dowladnimo adag iyo wadajir Soomaaliyeed.

“Reer hebel oo reer hebal la tartamayo kuma noolaan karno. Waxaan u baahannahay nidaam dowladeed oo adag. Meeshaan joogno annagaa is badnay ee aan tashanno Soomaaliyeey,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dalka uu u baahan yahay dowlad xooggan oo ku dhisan hay’ado iyo sharci, isagoo xusay in awoodda dowladdu aysan ku xirneyn hub culus oo keliya.

“Dowlad xoog leh ayuu dalkeenna u baahan yahay, mana aha mid hub waaweyn iyo qoryo wadata,” ayuu yiri Madaxweynaha.

WARARKII KALE

DFS oo sheegtay in duqeyn ay fuliyeen F-16-ka Turkiga lagu dilay xubno Ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 35...

Booliska Soomaaliya oo gubay Maandooriyeyaal lagu qabtay Dekedda Muqdisho

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta gubay maandooriyeyaal kala duwan...

Erdogan“Muqdisho iyo Dalal Kale oo Muslim ah Waxay rajo ka qabaan Turkiga”

Madaxweynaha Turkiga Rajep Dayib Erdoğan,  ayaa sheegay in Turkigu...

MW Xasan Sheekh iyo Midowga Afrika oo ka wadahadlay xaalka Soomaaliya

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Midowga Afrika, Salma Malik Haddadi, ayaa...

Q.M oo war ka soo saartay xaalada Koofur Afrika

Qaramada Midoobay (UN) ayaa sheegtay in ay si dhow...

Beesha Caalamka oo wadahadal siinaysa DF iyo Mucaaradka

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubno ka tirsan...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles