DFS oo sheegtay in duqeyn ay fuliyeen F-16-ka Turkiga lagu dilay xubno Ka tirsanaa Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 35 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay duqeyn dhinaca cirka ah oo saaka ka dhacday deegaanka Godey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidamada Jamhuuriyadda Turkiga, ay adeegsadeen diyaaradaha dagaalka ee F-16, kuwaas oo bartilmaameedsaday godad, kayd hub iyo goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, duqeynta waxaa sidoo kale ku dhaawacmay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Wasaaraddu waxay sheegtay in duqeymaha kaddib ay goobta ka dhaceen qaraxyo waaweyn oo is xigay, kuwaas oo muujinaya in halkaasi lagu kaydinayay hub, walxaha qarxa iyo saanad ciidan. Waxa kale oo ay xustay in goobta ay yaalleen gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kuwaas oo la sheegay in loo diyaarinayay weerarro lagu beegsado shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dowladda Turkiga iyo saaxiibbada kale ee Soomaaliya ka taageera la-dagaallanka Al-Shabaab, iyadoo caddeysay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ilaa laga ciribtiro khatarta ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Moscow oo weerarro lagu ekeyay xilli hoggaamiyaal Afrikaan ah ay ku shirayaan

Ruushka ayaa cambaareeyay weerarro ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn...

Cumar Cabdirashiid oo Farmaajo kala hadlay mideynta aragtida siyaasadeed

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke,...

QM oo sheegtay in kumanaan qof ay ka barakaceen dagaallada Soomaalida iyo Oromada

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhowaad 36,000 oo...

NISA oo shaacisay dilka horjoogihii maaliyadda Al-Shabaab ee Kuunyo Barrow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ay shaacisay in howlgal qorsheysan oo...

TPLF oo taliye sare oo ka tirsanaa ku eedeysay khiyaano qaran

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa ku eedeysay mid...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles