Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saaka duntay, xilli la sheegay in uu dul marayay gaari nooca xamuulka qaada ah oo agab kala duwan u siday deegaankaasi.
Wararka ayaa sheegaya in burburka buundada uu dhacay xilli gaariga xamuulka ah uu dul marayay, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dhacdadaasi.
Buundadan ayaa horay u burburisay maleeshiyaadka Al‑Shabaab kadib qaraxyo ay ka fuliyeen halkaasi, balse dib ayaa loo dhisay.
Bishii December 2025 ayay saraakiil ka kala socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkey si rasmi ah xarigga uga jareen buundada kadib markii dib u dhis lagu sameeyay..
Buundadan ayaa door muhiim ah ka qaadatay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga ka dhexeeya deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana burburkeedu saameyn ku yeelan karaa isu socodka dadka iyo gaadiidka isticmaala waddadaasi.


