Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa soo dhaweeyay ansixinta ugu dambeysa ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu meel mariyey Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa, isagoo ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah oo muhiim ah oo ku jirta geeddi-socodka dhameystirka dhismaha hay’adaha dowladda Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay in arrintani ay xoojinayso aasaaska nidaamka dastuuriga ah ee ku dhisan xukunka sharciga, kala soocidda awoodaha dowladda, ixtiraamka xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah, iyo xaqiijinta midnimada dalka iyadoo la tixgelinayo gobolladiisa kala duwan.

Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud, Jamaal Rushdi, ayaa sheegay in Abu Al-Gheit uu carrabka ku adkeeyay in ansixinta dastuurka Soomaaliya ay ka tarjumeyso geeddi-socod qaran oo ballaaran iyo dadaallo joogto ah oo ay sameynayaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adahooda si loo xoojiyo xasilloonida siyaasadeed, loo adkeeyo midnimada dalka, loona dhiso nidaam dowladeed oo hufan, isla markaana loo taageero horumar waara.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyay in Jaamacadda Dowladaha Carabta ay sii wadi doonto taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda iyo Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dhammaan dhinacyada kor u qaadaya ammaanka iyo xasilloonida, xoojinta hay’adaha dimuqraadiyadda, ilaalinta midnimada dalka, iyo horumarinta barwaaqada shacabka Soomaaliyeed, taas oo sidoo kale ka qeyb qaadanaysa nabadda iyo xasilloonida gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles