Cali Balcad oo ka hadlay xayiraadda fiisaha Midowga Yurub: “Arrintu kuma xirna eVisa-da Soomaaliya”

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in doodaha lagu xiriirinayo xayiraadda fiisaha ee Midowga Yurub iyo nidaamka eVisa-da Soomaaliya ay yihiin kuwo marin-habaabin ah oo aan sax ahayn.

Cali Balcad ayaa sheegay in tallaabada Midowga Yurub aysan ahayn qiimeyn ku saabsan hab-maamulka dowladda Soomaaliya, balse ay tahay arrin la xiriirta socdaalka iyo iskaashiga dib-u-celinta dadka si aan sharci ahayn u jooga dalalka Yurub.

Wuxuu xusay in Soomaaliya aysan ahayn dalka kaliya ee wajahaya tallaabooyin noocan ah, isagoo tilmaamay in dalal kale oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Ciraaq, Bangladesh, Gambia iyo Senegal ay sidoo kale la kulmeen ama lala xiriiriyay tallaabooyin la mid ah.
Wasiiru-dowlaha ayaa difaacay nidaamka eVisa-da Soomaaliya, isaga oo sheegay in loo sameeyay casriyeynta, fududeynta iyo sugidda habraacyada gelitaanka dalka, islamarkaana uusan ahayn nidaam lagu go’doominayo SooWasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in doodaha lagu xiriirinayo xayiraadda fiisaha ee Midowga Yurub iyo nidaamka eVisa-da Soomaaliya ay yihiin kuwo marin-habaabin ah oo aan sax ahayn.

Cali Balcad ayaa sheegay in tallaabada Midowga Yurub aysan ahayn qiimeyn ku saabsan hab-maamulka dowladda Soomaaliya, balse ay tahay arrin la xiriirta socdaalka iyo iskaashiga dib-u-celinta dadka si aan sharci ahayn u jooga dalalka Yurub.

Wuxuu xusay in Soomaaliya aysan ahayn dalka kaliya ee wajahaya tallaabooyin noocan ah, isagoo tilmaamay in dalal kale oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Ciraaq, Bangladesh, Gambia iyo Senegal ay sidoo kale la kulmeen ama lala xiriiriyay tallaabooyin la mid ah.
Wasiiru-dowlaha ayaa difaacay nidaamka eVisa-da Soomaaliya, isaga oo sheegay in loo sameeyay casriyeynta, fududeynta iyo sugidda habraacyada gelitaanka dalka, islamarkaana uusan ahayn nidaam lagu go’doominayo Soomaaliya.
Cali Balcad ayaa ugu dambeyn ugu baaqay in caqabadaha dalka si masuuliyad leh loo wajaho, lana xoojiyo hay’adaha, nidaamyada dowladda iyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka.maaliya.
Cali Balcad ayaa ugu dambeyn ugu baaqay in caqabadaha dalka si masuuliyad leh loo wajaho, lana xoojiyo hay’adaha, nidaamyada dowladda iyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles