Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab, gaar ahaan qaybta Special-ka Danab, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay koonfurta deegaanka Leego ee Gobolka Baay.
Intii uu howlgalka socday, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay laba xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo sidoo kale ka furtay laba qori oo AK-47 ah.
Ciidamada ayaa sidoo kale howlgalka ku burburiyay goob lagu sheegay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku diyaarin jireen walxaha qarxa.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada qorsheysan ee ciidamada dowladda ay ka wadaan deegaannada ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo xarumaha iyo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan.
Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa muddooyinkii dambe door muhiim ah ka qaadanayay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, gaar ahaan howlgalada gaarka ah ee lagu beegsanayo xubnaha iyo xarumaha kooxda.
Ciidamada Danab ayaa sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo ciribtirka maleeshiyaadka Al-Shabaab.


