Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa qabsaday deegaanka Jilib-marka oo Al-shabaab ay ka talinayeen muddo aad u dheer. Deegaanka Jilib-Marka waxa uu u dhexeeya Muqdisho iyo magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Milateriga Soomaaliya oo ay taageerayaan ciidamada hay’adda sirdoonka iyo kuwa qabaa’ilka deegaanka ayaa sii wada in Al-Shabaab laga saaro dhul hor leh oo ku yaala waddada xeebta ah ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.
Deegaankii ugu dambeeyay ee hawlgalka loo bixiyay Seefta Qarsoon looga saaray Al-Shabaab waxa uu ahaa Jilib-Marka oo muddo toban sano ka badan ay gacanta ku hayeen kooxdaasi.
Hawgalkan loogu magac daray Seefta Qarsoon waxa uu dhawrkii todobaad ee ugu dambeeyay ka socday deegaannada xeebta ah ee u dhaxeeya magaala madaxda Muqdisho iyo magaalada Marka, waxana horey Al-Shabaab looga saaray deegaannada Gandershe iyo Dhanaane.


