MW Deni oo kulan la qaatay Guddiga Farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay la kulmay guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, kaas oo maalmahan shirar ka waday magaalada Garowe.

Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.

Guddiga farsamada ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa ka kooban lix xubnood oo kala ah: Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad, Caarshe Maxamed Siciid, Xildhibaan Cabdirashiid Jire, Saahid Qodhob, Cabdilaahi Xaaji Abuukar, iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi). Xubnahan ayaa Garowe u joogay dejinta istaraatiijiyadda iyo qorshayaasha ay golahu ku wajahayaan xilliga kala-guurka ee siyaasadda dalka.

Dhawaan ayaa lagu wadaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho, ay shir ku yeeshaan magaalada Garowe si ay uga arrinsan doonaan xaaladda siyaasadeed ee dalka. Shirkan ayaa looga golleeyahay sidii loo gaari lahaa heshiisyo siyaasadeed, iyadoo xaaladda doorashada iyo madmadowga siyaasadeed ee dalka la tixgelinayo.

Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu muddo bil gudaheed ah isugu yeero dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loo gaaro heshiisyo ku saabsan doorashada, inkastoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu aqbalay dalabka Mucaaraadka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 15 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

IGAD oo maanta Jabuuti ka furaysa shir looga hadlayo nabadda iyo amniga Geeska Afrika

Shir aan caadi ahayn oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirrada...

Trump oo Danjirayaal Cusub u Magacaabay Soomaaliya, Jabuuti iyo Sacuudiga 

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 14-kii Sebtembar 2026 u...

Cirro oo DF ku eedeeyay in ay dadka Kala qeybisay iyo arrimo xasaasi ah uu ka hadlay

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa sheegay in...

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday duleedka Baydhabo

Duqeyn culus ayaa xalay ka dhacday deegaanka Ceel-Muud, oo...

Meleeshiyaad hubeysan oo dad rayid ah laayay iyo faahfaahin ka soo baxaysa

Ugu yaraan 15 qof ayaa lagu dilay weerarro ay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles