Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay Xarunta Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Magaalada Baydhabo.

Hoggaamiyaha ayaa waxaa Xarunta Taliska si diirran ugu soo dhaweeyey Saraakiisha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo uu hoggaaminayey Taliyaha Qeybta 60-aad, Gaashaanle Sare Isaaq Berdaale.

Intii uu booqashada ku guda jiray Hoggaamiye Shekh Aadan Madoobe ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Qeybta 60-aad, isagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda amniga, howlaha Ciidanka iyo qorshayaasha lagu xoojinayo sugidda amniga Magaalada Baydhabo iyo guud ahaan Deegaanada Koonfur Galbeed.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku bogaadiyey Saraakiisha iyo Ciidamada Qeybta 60-aad dadaalka ay ugu jiraan gudashada waajibaadkooda qaran iyo ilaalinta amniga iyo badqabka shacabka.

booqashada Shaqo Hogaamiyaha Waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Amniga, Agaasimaha Guud Madaxtooyada iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

WARARKII KALE

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena...

Duqeymo ka dhacay Duleedka Baydhabo

Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles