MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle, Mahad Xasan Cismaan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee Hirshabeelle, muhiimadda xasilloonida iyo wada-tashiga siyaasadeed, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Hirshabeelle.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu wajahayo diidmo siyaasadeed oo xooggan, taas oo uga imaanaysa siyaasiyiin, waxgarad iyo qaybo ka mid ah dadka ku nool Gobolka Hiiraan.

Dhinacyada kasoo horjeeda maamulka Cali Guudlaawe ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigay cabashooyin la xiriira hannaanka siyaasadeed ee Hirshabeelle iyo arrimaha doorashada, iyagoo dalbanaya in go’aannada siyaasadeed ee gobolka lagu saleeyo wada-tashi iyo heshiis ballaaran.

Kulanka Xasan Sheekh iyo madaxda Hirshabeelle ayaa sidoo kale imanaya iyadoo ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Hirshabeelle iyo hannaanka loo wajahayo doorashooyinka soo socda.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u adkaysay muhiimadda ay leedahay in dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe ay yeeshaan wada-shaqeyn iyo isku-duubni, halka dhinacyada mucaaradka ah ay ku baaqayaan in xal siyaasadeed laga gaaro khilaafaadka ka jira qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada

WARARKII KALE

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena...

Duqeymo ka dhacay Duleedka Baydhabo

Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles