Friday, November 14, 2025

Ciidamada Puntland iyo Daacish oo xalay ku dagaalamay G/Bari

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal u dhexeeya ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland iyo maleeshiyaadka Daacish uu ku dhexmaray buuraleyda Xabley oo ka tirsan degmada Ufayn ee gobolka Bari halkaasi oo uu maalmahan ka socday howlgal ka dhan ah kooxda Daacish.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ciidamada difaaca Puntland ay dagaalkaasi xalay ku dileen mileeshiyaad firxad ah oo isku dayay in ay weerar gaadmo ah ku sameeyaan ciidamada ,balse kooxdaasi weerarka soo qaaday badankooda la dilay islamarkaana laga furtay qoryaha fudud.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixin doonaan howlgalka weli ka socda Gobolka Bari.

Ciidamada ammaanka ayaa saaka howlgalo amni xaqiijin ah ka wada Buuraleyda Xabley ee gobolka Bari.

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo bandhigayay saldhigyo iyo hub cusub ay ka qabsadeen maleeshiyaadka Daacish ee halkaasi ku sugnaa.

WARARKII KALE

Mareykanka oo ku baaqay in la joojiyo hubka loo gudbinayo RSF

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, ayaa ku...

Booliska oo faah-faahin ka bixiyay dilkii Gaalkacyo loogu gaystay gabadh yar

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka...

Xamas oo si tartiib tartiib ah ula wareegaysa Qasa

Xamaas ayaa kordhinaysa la wareegidda maamulka Gaza oo muddooyiinkii...

Dowlada Shiinaha oo u hanjabay Japan

Shiinaha ayaa uga digay Japan in ay la kulmi...

Booliska Puntland oo sheegay in haweenay loo qabtay dil ka dhacay Gaalkacyo

Booliska Puntland, gaar ahaan taliska qaybta gobolka Mudug ayaa...

Firdhiye oo magacaabay wasiiro ku xigeenada Maamulka Waqooyi Bari

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye)...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles