Ciidamada Puntland oo Howlgallo Culus Ku Qaaday Daacish iyo Al-Shabaab

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa mar kale dardargelisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo ay ciidamada difaaca Puntland fuliyeen howlgallo qorsheysan oo ka dhacay buuraleyda gobolka Bari.

Hawlgalladaasi, oo si gaar ah uga dhacay buuraleyda Calmiskaad, ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay kooxahaasi ku sugnaayeen.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada ayaa sheegay in lagu guuleystay burburinta xarumo muhiim ah oo ay kooxaha Daacish ku lahaayeen Calmiskaad, oo ay ku jiraan:

Keydkii guud ee raashinka oo muhiim u ahaa saadka kooxda, Xarun caafimaad oo ay u adeegsadeen daryeelka dhaawacyada iyo howlaha caafimaadka, Taliskii guud ee tababarada Daacish.

Saraakiishu waxay intaas ku dareen in hawlgalka lagu dilay dagaalyahanno badan oo ka tirsan Daacish, iyagoo tilmaamay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen goobaha muhiimka ah ee kooxda.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah dadaallada Puntland ee ka dhanka ah Kooxaha ku sugan Buuraha, waxaana saraakiishu ballanqaadeen inay sii laba-jibaarayaan weerarada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab.

Dagaallo culus oo ay isku fara saareen ciidamada Puntland iyo Daacish ayaa dhowaan ka dhacay deegaanka Buug ee gobolka Bari. Puntland ayaa hore u caddeysay in dagaalka ka dhanka ah kooxahan uusan istaagi doonin ilaa laga sugo nabad buuxda iyo ciribtirka argagixisada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kulanka Golaha Shacabka oo kooram la’aan u baaqday

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya...

Guddoomiyaha Doolow“Aniga kama qayb qaadanayo xasaradda Gedo”

Guddoomiyaha degmada Doolow lafey ayaa sheegay inuusan ka qayb...

Badmaax u dhashay Indonesia oo dalkooda ku laabtay

Afar badmaax oo u dhashay Indonesia ayaa maanta dib...

Itoobiya oo MW Xasan Sheekh ku eedeysay “khiyaano”

Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA ayaa maqaal dheer oo...

Diyaar garowga Shirka 2-aad ee Guddiga Wadajirka Joogtada ah ee Dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ka socda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa Dardar gelinaysa Diyaargarowga Shirka 2-aad ee...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles