Friday, November 7, 2025

Ciidamada Puntland oo saaka la wareegay Toga Miraale iyo howlgal culus oo socda

Ciidamada difaaca Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan ku qaaday togga Miraale ayaa la sheegay in ay si rasmi ah ula wareegeen inta badan difaacyadii firxadka Daacish ee ku sugnaa toga Miraale ee gobolka Bari.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Puntland oo hawlgal lug ah ku galay Miraale ay saaka u suurta gashay in ay difaacyadii ugu muhiimsanaa ee Miraale ka saaraan mileeshiyaadka Daacish ee ku dhuumanayay togga Miraale.

Howlgal culus ayaa waxaa uu weli ka soconayaa toga Miiraale, iyadoona la soo sheegayo in uu dhammaad yahay wejiga saddexaad ee hawlgalka ka socda Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Puntland ay todobaadkan lagu wado in ay ku dhawaaqdo dhammaadka wejiga saddexaad ee hawlgalka Buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 06 11 2025

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Kooxda Degmada howlwadaaag oo ku guuleysatay tartanka degmooyinka gobolka banaadir

Waxaa goordhow soo gaba-gaboobay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee...

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi...

Howlgal lagu dilay Horjoogihii Al-shabaab u qaabilsanaa Maaliyada degmada Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 47aad Guutada...

Kooxda TPLF oo weerar culus ku qaaday gobolka Canfarta

Koox ka tirsan ciidamada TPLF ayaa gudaha u galay...

Madaxweynaha Eriteriya: “Soomaaliya waa in ay ilaashato xeebaheeda”

Madaxweynaha Eriteriya, Isaayaas Afwerq oo waraysi siiyay warbaahinta Qaahira...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles