Monday, July 20, 2026

Ciidammada Badda ee Israa’iil oo joojiyay doonyo gargaar sida oo ku wajahnaa Qasa

Ciidanka badda Israa’iil ayaa joojiyay doonyo gargaar u waday Qasa waxaana la xidhay dadkii doontaas saarnaa oo ay ka mid tahay Greta Thunberg oo ah gabadh u ololaysa deegaanka kana timid Sweden.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa sheegtay in si nabad ah loo joojiyay dhowr doonyood oo ka tirsan doonyaha la baxay Flotilla Global Sumud (GSF) islamarkaana dadka saarnaa lagu wado deked Israel ku taalla.

Waxay sidoo kale sheegtay in ciidanka badda Israa’iil ay doonayaasha ku amreen in ay jihada beddelaan, maaddaama ay ku soo wajahnaayeen “aag dagaal ka taagan yahay”.

Kooxda GSF ayaa ku tilmaantay joojintaas “sharci-darro” iyo “mid aan ahayn isdifaacid”, balse ay tahay “fal liidasho ah”.

Kooxdu waxay ku eedeysay in mid ka mid ah doonyaha doonyaha flotilla si ula kac ah loo beegsaday xilli ay badda ku sugnaayeen, waxayna intaa ku dartay in doonyo kale lagu hafiyay biyo aad u xooggan .

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Caawa waxaa soo gabagaboobaya tartankii Koobka Adduunka ee ugu dheeraa taariikhda

Ka dib shan toddobaad oo tartan ah iyo 104...

Masar iyo Soomaaliya oo ka wadahadlay Badmaaxiinta lagu afduubtay dalka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdel Aaty, ayaa...

Waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 8-aad ee BFS oo la Shaaciyay

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Ruto oo Ballanqaaday inuu Taageerayo Musharraxa ay Ku Midoobaan Soomaalida Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa kulan albaabadu u xiran...

Erdogan oo Baarlamaanka Turkiga Ka Dalbaday Kordhinta Joogitaanka Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa si rasmi ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles