Abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni ayaa ka socda degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, kuwaas oo la sheegay inay la xiriiraan diidmo ka dhan ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen.
Wararka laga helayo degmada ayaa sheegaya in maamulka iyo saraakiisha Buurhakaba ay hub iyo tuute kala duwan ku wareejiyeen cutubyo ka tirsan daraawiishta degmada, kuwaas oo muddo tababar ku qaadanayay gudaha magaalada.
Saraakiisha iyo maamulka degmada oo la hadlay ciidamadan ayaa ku booriyay inay u diyaar garoobaan sugidda amniga degmada iyo la dagaalanka Al‑Shabaab, iyo cid kasta oo ay ku tilmaameen inay khatar ku tahay xasilloonida Buurhakaba.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli khilaaf xooggan uu ka dhex jiro maamulka degmada Buurhakaba iyo madaxda sare ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta degmada ay ku eedeeyeen maamulka sare inuu dayacay degmada iyo dadka ku nool.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in ciidamo horey ugu sugnaa Buurhakaba maanta loo qeybiyay hub iyo darees cusub, kuwaas oo la sheegay inay ku biireen xoogag ka soo horjeeda maamulka Koonfur Galbeed. Tani waxay muujinaysaa kororka diidmada siyaasadeed ee ka dhanka ah maamulka Lafta-gareen.


