Tuesday, March 3, 2026

Ciidan Gadoodsan oo ka tirsan Puntland oo xirtay afafka hore ee Isbitaalka Weyn ee Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in afaafka hore ee Cisbitaalka Weyn ee Magaalada ay xirteen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, kuwaas oo ka gadoodsan mushahar la’aan iyo daryeel la’aan muddo dheer soo jiitamaysay.

Ciidamadan ayaa gabi ahaanba joojiyay isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee marayay halkaasi, taasoo keentay in xaalad kacsanaan ahi ka abuuranto gudaha magaalada. Goob-joogayaal ayaa sheegay in waddadaasi oo ah halbowlaha ugu weyn Boosaaso ay gebi ahaan xiran tahay, islamarkaana uu hakad ku yimid adeegii bulshada ee halkaasi ka socday.

Dadka deegaanka ayaa ka cabanaya in xiritaanka waddadan uu saameyn ku yeeshay dadweynaha u socda cisbitaalka iyo adeegyada caafimaad ee degdegga ah, kuwaas oo hadda dhibaato weyn wajahaya.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa sheegay in ay ku qasbanaadeen tallaabadan maadaama ay muddo dheer ku jireen xaalad mushahar la’aan iyo dayac dhinaca daryeelka ah, islamarkaana aysan jirin cid u jawaabtay cabashooyinkooda.

Xaaladda magaalada Boosaaso ayaa hadda kacsan, iyadoo weli aan la ogeyn in maamulka Puntland ama wasaaradda amniga ay ka jawaabi doonaan gadoodkan ciidanka.

Dhanka kale Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta degmada Carmo ee gobolka Bari tababar ugu soo xiray ku dhawaad 500 oo askari oo kamid noqonaya ciidamada Booliska dowladda Puntland.

intii tababarku socday, ciidamadan ayaa marar kala duwan sameeyay gadood iyo cabasho ku saabsan xuquuq la’aan, iyagoo sheegay in aan loo fulin ballanqaadyo ku saabsan mushaharkooda oo markii hore la sheegay in ay bixin doonto dowladda Imaaraatiga Carbeed.

Si kastaba, cabashadii ciidamada ayaa la sheegay in si hoose loo xaliyay, taasoo suuragelisay in maanta si rasmi ah loogu soo xiro tababarkooda, iyadoo munaasabadda uu ka qeybgalay Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin kale.

Maalmihii ugu dambeeyay, ciidanka Puntland waxay marar badan sameeyeen gadood ay kaga cabanayaan mushahar la’aan, daryeel xumo iyo xuquuq la’aan joogto ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles