DFS oo mamnuucday in hub lagu dhex wato gudaha Garbahaarey iyo Wafuud ku wajahan

Magaalada Garbahaarey, xarunta gobolka Gedo, ayaa laga soo saaray amar lagu mamnuucayo in hub lagu dhex wato gudaha magaalada, ciidamo aan ka tirsanayn kuwa rasmiga ah ee amniga suga.

Talaabadan ayaa ku soo aadaysa xili dowladda Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed iyo mid milateri ay ka wado Gobolka Gedo.

Taliyaha Guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ee gobolka Gedo, Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, ayaa digniin adag u diray ciidamada iyo dadka hubka sida, isagoo ku sheegay in gebi ahaanba mamnuuc tahay in rasaas lagu rido amar la’aan.

Taliyaha ayaa carrabka ku adkeeyay in falalka noocaas ahi ay sababi karaan qalqal amni iyo waxyeelo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaara shacabka, wuxuuna ku booriyay ciidamada inay ilaaliyaan sharciga iyo anshaxa ciidannimo, kana fogaadaan ficillo wiiqi kara kalsoonida shacabka.

Sidoo kale, Gaashaanle Sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax wuxuu sheegay in cid kasta oo jebisa amarkan ay wajihi doonto tallaabo sharci ah.

Dhanka kale, magaalada Garbahaarey ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro wafti ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha dowladda u qaabilsan gobolka Gedo, Cabdullaahi Shimbir, waxaana socdaalkan lagu sheegay inuu la xiriirayo arrimo amni iyo maamul.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 10 2026

 Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

kulan uu qayb Ka ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad...

Duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo khasaare ka soo gaaray dad rayid ah

Warbixin Baaritaan ah oo ay baahisay telefishinka Al Jazeera...

Ammaanka Dhuusamareeb oo la adkeeyay iyo Galmudug isu diyaarinayso doorashada Madaxweynaha

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si...

Kiiska Dastuurka oo weji cusub yeeshay iyo Maxkamada sare oo jawaab ka sugeysa DF

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa furtay gal-dacwadeed dastuuri ah...

Soomaaliya oo si adag uga hortimid khariidad uu Netanyahu soo bandhigay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaaraysay khariidad...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles