Dowladda Shiinaha oo ka hortimid qorshaha Mareykanka ee Somaliland

Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa ka falcelisay warqad uu Senator Ted Cruz u diray Madaxweyne Trump, taas oo uu ku sheegay inuu aqoonsanayo Somaliland. Safaaradda ayaa ku tilmaantay warqaddaasi “mid qasbi ah oo faragelin culus ku ah arrimaha gudaha Soomaaliya”, isla markaana muujinaysa dhaqanka heybso iyo cabburin ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka ay ku wajahayaan shacabka Soomaaliyeed.

Safaaradda Shiinaha waxay caddeysay inay si adag uga soo horjeeddo weerarrada lagu qaaday xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Shiinaha uusan marnaba ku faragelin arrimaha gudaha dalal kale, isla markaana aanu aqbalayn in cid kale ku farageliso arrimihiisa gudaha.

Qoraalka ayaa sidoo kale ku adkeystay in ixtiraamka madax-bannaanida iyo dhuleednimada dalalka, iyo aan faragelin arrimaha gudaha, ay ku qoran yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, taas oo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida caalamka.

Safaaradda ayaa intaa ku dartay in Taiwan ay tahay qayb aan la kala saari karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha, taasna ay tahay xaqiiqo taariikheed iyo mid dhab ah, sidaas darteedna Shiinaha uu si adag uga soo horjeedo kala-go’ iyo faragelin shisheeye. Shiinaha wuxuu sheegay inuu xaq sharci ah u leeyahay inuu qaado tallaabo kasta oo lagu difaacayo madax-bannaanidiisa iyo midnimada dhuleedkiisa.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles