Saturday, August 8, 2026

Dowladda Shiinaha oo ka hortimid qorshaha Mareykanka ee Somaliland

Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa ka falcelisay warqad uu Senator Ted Cruz u diray Madaxweyne Trump, taas oo uu ku sheegay inuu aqoonsanayo Somaliland. Safaaradda ayaa ku tilmaantay warqaddaasi “mid qasbi ah oo faragelin culus ku ah arrimaha gudaha Soomaaliya”, isla markaana muujinaysa dhaqanka heybso iyo cabburin ee qaar ka mid ah siyaasiyiinta Mareykanka ay ku wajahayaan shacabka Soomaaliyeed.

Safaaradda Shiinaha waxay caddeysay inay si adag uga soo horjeeddo weerarrada lagu qaaday xiriirka Shiinaha iyo Soomaaliya, iyadoo sheegtay in Shiinaha uusan marnaba ku faragelin arrimaha gudaha dalal kale, isla markaana aanu aqbalayn in cid kale ku farageliso arrimihiisa gudaha.

Qoraalka ayaa sidoo kale ku adkeystay in ixtiraamka madax-bannaanida iyo dhuleednimada dalalka, iyo aan faragelin arrimaha gudaha, ay ku qoran yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, taas oo saldhig u ah nabadda iyo xasilloonida caalamka.

Safaaradda ayaa intaa ku dartay in Taiwan ay tahay qayb aan la kala saari karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha, taasna ay tahay xaqiiqo taariikheed iyo mid dhab ah, sidaas darteedna Shiinaha uu si adag uga soo horjeedo kala-go’ iyo faragelin shisheeye. Shiinaha wuxuu sheegay inuu xaq sharci ah u leeyahay inuu qaado tallaabo kasta oo lagu difaacayo madax-bannaanidiisa iyo midnimada dhuleedkiisa.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamad Maraykankan ah oo amartay in la joojiyo dhisme maamulka Trump ka dhisayey Aqalka Cad

Maxkamad federaal oo racfaan oo ku taalla Maraykanka ayaa...

Soomaaliya oo soo dhawaysay heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay heshiiska difaac...

Xiriirka kubada cagta Norway oo soo saaray baaq ku socda madaxweynaha FIFA

Kubadda cagta caalamka ayaa sii kala qaybsamaysa, iyadoo ay...

Saddex dal oo muslim ah oo gaaray heshiis difaac oo weyn

Sacuudi Carabiya, Turkiga iyo Pakistan ayaa kala saxiixday heshiis...

Arday 14 sano jir ah oo toogasho ku laayay dad ay kamid yihiin ayeeydiis iyo awoowgiis

Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha ee Thailand, Polapee Suwanchawee, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles