Wararkii ugu dambeeyay kulanka Trump iyo Putin

Shan saacadood kadib, Donald Trump iyo Vladimir Putin ayaa ka dhoofay shirkii Alaska iyaga oo aan la gaarin heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Ukraine.

  • Donald Trump ayaa soo qoray “KULAN SARE!!!” fariin kooban oo uu baraha bulshada ku soo daabacay, ka hor inta uusan u ambabixin Alaska isaga oo raacaya diyaaradda Air Force One
  • Waxa uu la hadlayay saxafiyiinta isaga oo saaran diyaaradda, isaga oo sheegay in dhul isdhaafsi laga wadahadli doono, laakiin taasi ugu dambeyntii ay noqon doontaa go’aan u yaalla dadka reer Ukraine, oo uusan isagu u gali doonin gorgortan.
  • Volodymyr Zelensky, madaxweynaha Ukrain kama qaybgelin kulanka, laakiin qoraal uu soo dhigay X ayuu ku sheegay in kulanku yahay “runtii, mid sare” iyo “waxaanu ku xisaabtamaynaa Maraykanka”, isaga oo intaa ku daray inuu doonayo in wadahadalku furmo si loo aado “dhabo lagu gaaro nabad cadaalad ah”
  • Wali si toos ah ugama aynaan maqal dhanka Putin maanta, balse afhayeen u hadlay Kremlin-ka ayaa sheegay in Trump uu kula kulmi doono Putin jaranjarada diyaaradda madaxweynaha Ruushka, taasoo ay sheegeen inay imaan doonto Alaska 11:00 xilliga gudaha dalka Maraykanka.
  • Waxa ay sidoo kale sheegeen in kulanka labada hogaamiye uu qaadan karo ilaa 7 saacadood
  • Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa ka mid ah shan sarkaal oo Ruush ah oo ka qayb galaya shir madaxeedka – waxa uu soo baxay isagoo xiran shaarka “USSR” wuxuuna sheegay in wafdiga Ruushku uu leeyahay “mowqif cad oo la fahmi karo”

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles