Ciidanka Booliska Puntland oo ka hadlay khalalaasihii ka dhacay Garoowe

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray qalalaasihii ka dhacay magaalada Garoowe 7-dii June 2026, kaasi oo la xiriiray ciidamo ka tirsan Booliska Birmadka oo si sharci darro ah u hakiyay isku socodka gaadiidka islamarkaana carqaladeeyay amniga iyo kala dambeynta caasimadda.

Booliska Puntland ayaa sheegay in dhacdadaasi aysan ka tarjumeyn nidaamka iyo waajibaadka ciidanka, balse ay ahayd fal ay ku lug lahaayeen shaqsiyaad dano gaar ah leh oo la doonayay in lagu dhaawaco sumcadda ciidamada iyo dowladnimada Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in la xiray 18 askari oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falkaasi, iyadoo baaritaanno rasmi ah ay socdaan, isla markaana la horgeyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Taliska Booliska Puntland ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan dib u soo celinta sumcadda Ciidanka Birmadka kadib dhacdadii ka dhacday Garoowe, iyagoo xusay in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida Puntland.

Ugu dambeyn, Ciidanka Booliska Puntland ayaa shacabka ka raalli geliyay qalalaasihii dhacay, waxayna adkeeyeen in ilaalinta amniga iyo kala dambeynta ay tahay waajibaad dastuuri ah oo aysan ka leexan doonin.

WARARKII KALE

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan wadatashi ah la qaatay xubno ka tirsan bulshada rayidka ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed...

Golaha wasiirada oo ansixiyay Miisaaniyadda Sanadka 2027-ka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay...

Madaxa hore ee FBI-da Maraykanka oo markii saddexaad wajahaya dacwado heer federaal ah

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa dacwado cusub ku soo oogtay...

DFS”Gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay aya lagu weeraray ciidamada”

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay dagaal...

Golaha Mustaqbalka oo ku kala aragti duwan martiqaadka Xasan Sheekh

Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee mucaaradka ayaa xalay kulan...

Sacuudi Carabiya oo ka hadashay shirkii afarta dhinac ee Tehran

Saacad ka dib markii mas’uuliyiin sare oo ka kala...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles