Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 161-aad, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa lagu fashiliyey qorshe la sheegay in lagu doonayay in miinooyin lagu aaso waddooyinka ay isticmaalaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan waddooyinka isku xira Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay.
Intii uu socday howlgalka, Ciidanka Danab ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay xubno lagu tuhunsan yahay inay qeyb ka ahaayeen shabakad ku howlan abaabulka iyo diyaarinta qaraxyada.
Ciidamada ayaa sheegay in xubnaha la qabtay ay qorsheynayeen falal waxyeello loogu geysan lahaa shacabka iyo dadka isticmaala waddooyinka muhiimka ah ee isku xira gobolladaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa wada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga waddooyinka iyo deegaanada, iyadoo sidoo kale la beegsanayo shabakadaha ku howlan diyaarinta qaraxyada iyo falalka amni-darrada.


