Monday, July 13, 2026

Ciidanka Dowladda oo howlgal burcad sifeyn ah ka fuliyay wadada Baladweyn iyo Matabaan

Ciidanka hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa ku guuleystay in ay qaadaan 16 jidgooyo oo kooxo hubeysan ay dhigteen deegaanada u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Gaalgaduud.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa warku intaa ku daray in lagu soo qabqabtay qaar amid ah maleeshiyaad hubeysan,halka la tilmaamay in qaar kale ay ka baxsadeen goobihii ay dhigteen jidgooyadaasi.

Howlgalkaan oo ku soo dhamaaday si nabad ah ayaa waxaa lagu qaaday isbaarooyin yiillay Ceelgaal,Kalabeyr iyo Matabaan,halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ka jireen dhibaatooyin loo geysanaayo  dadka socotada ah ee ku safra waddooyinka isku xirta gobolada dhexe.

Taliyaha  Ciidanka hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka iyo la dagalanka kooxaha burcadka ah Cismaan cabdi Waasuge ayaa ka dhawaajiyay in la soo afjaray kooxo hubeysan oo todobaadyadii la soo dhafay waddooyinka Baladweyn iyo Mataaan ka waday falal burcadnimo ah oo lagu dhacay dad badan oo u kala safra gobolada dhexe.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Wasiirada arimaha dibadda Pakistan iyo Iran oo qadka taleefanka ku wada hadlay

Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Pakistan ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Ishaq...

Ciidamada IRG oo sheegay in ay gantaal ku soo rideen dibadda magaalada Khorramabad

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran IRG ayaa sheegay in ay...

Guddoomiyihii Golaha Guurtida Somaliland oo is casilay iyo mid cusub oo la doortay

Guddoomiyahii Golaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa hadda...

Amiirkii hore ee Qatar oo geeriyooday

Amiirkii hore ee dowladda Qatar, Sheekh Hamad bin Khalifa...

Maalintii Labaad oo Xiran Suuqyada Boosaaso iyo Muran ka taagan Canshuuraha Cusub ee Dekedda

Waxaa maalintii labaad oo xiriir ah xiran suuqyada iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles