Ciidanka Dowladda oo howlgal burcad sifeyn ah ka fuliyay wadada Baladweyn iyo Matabaan

Ciidanka hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka ayaa ku guuleystay in ay qaadaan 16 jidgooyo oo kooxo hubeysan ay dhigteen deegaanada u dhaxeeya Gobolada Hiiraan iyo Gaalgaduud.

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa warku intaa ku daray in lagu soo qabqabtay qaar amid ah maleeshiyaad hubeysan,halka la tilmaamay in qaar kale ay ka baxsadeen goobihii ay dhigteen jidgooyadaasi.

Howlgalkaan oo ku soo dhamaaday si nabad ah ayaa waxaa lagu qaaday isbaarooyin yiillay Ceelgaal,Kalabeyr iyo Matabaan,halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ka jireen dhibaatooyin loo geysanaayo  dadka socotada ah ee ku safra waddooyinka isku xirta gobolada dhexe.

Taliyaha  Ciidanka hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka iyo la dagalanka kooxaha burcadka ah Cismaan cabdi Waasuge ayaa ka dhawaajiyay in la soo afjaray kooxo hubeysan oo todobaadyadii la soo dhafay waddooyinka Baladweyn iyo Mataaan ka waday falal burcadnimo ah oo lagu dhacay dad badan oo u kala safra gobolada dhexe.

WARARKII KALE

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo soo xiray Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Sacuudiga oo sheegay in weerar Xuutiyiintu ku qaadeen dalkaas khasaare ka dhashay

Hay’adda Duulista Rayidka Sacuudiga ayaa sheegtay in ugu yaraan...

Ra’iisul Wasaare Abiy: “Itoobiya kama tanaasulayso helitaanka marin badeed”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dalkiisu...

Xasan Sheekh oo sheegay in Al-Shabaab aysan mar Kale Dalka gacanta ku dhigi Karin

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dagaalka...

Erdogan oo shaaciyay in Turkiga ay Soomaaliya ka bilowday Dhismaha Xarun Hawada Sare

Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa sheegay in dalkiisa...

 Loollan Siyaasadeed iyo Dhaqdhaqaaq Ciidan oo Markale ka bilowday Beled-Xaawo

Loollan siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo u dhexeeya Dowladda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles