Tuesday, July 28, 2026

Netanyahu oo ciidamada Israa’iil ku amray inay kordhiyaan gacan-ku-haynta Qasa ilaa 70%

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay inuu ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ku amray inay kordhiyaan gacan-ku-haynta Gaza ilaa 70%.

Isagoo ka hadlayay shir maalintii Khamiista, ayuu yidhi: “Waxaan hadda cadaadis ku haynaa Xamaas; hadda waxaan gacanta ku haynaa 60 boqolkiiba dhulka Marinka Qasa waad ogtihiin taas. Waxaan joogney 50 boqolkiiba, waxaan u gudubnay 60. Amarkayguna waa inaan gaadhno…” ayuu yiri ka hor inta uusan hakad gelin markii qof dadkii ka mid ahaa uu yiri, “100”.

“Aan tallaabo tallaabo u soconno. Marka hore 70. Halkaas aan ka bilowno. Dhinac kasta ayaan ka cadaadineynaa, wixii soo harana waan la tacaali doonnaa.”

Ballaarinta gacan-ku-haynta Israa’iil waxay ka hor imaanaysaa qodobbada heshiiskii xabbad-joojinta ee uu hoggaaminayay Donald Trump, kaas oo Israa’iil iyo Xamaas ku heshiiyeen bishii Oktoobar 2025.

Hadalkan Netanyahu wuxuu imaanayaa iyadoo Israa’iil ay sii waddo duqeymaha Qasa inkastoo xabbad-joojintu jirto, halka Israa’iil iyo Xamaas ay weli isku mari la’yihiin wada-hadallo dadban oo uu Mareykanku dhexdhexaadinayo si loo hormariyo qorshaha nabadeed ee Madaxweyne Donald Trump.

Ugu yaraan 738 Falastiiniyiin ah ayaa la dilay tan iyo markii xabbad-joojintu dhaqan gashay bishii Oktoobar, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay maamusho Xamaas, tirooyinka ay Qaramada Midoobay u aragto kuwo lagu kalsoonaan karo.

Netanyahu wuxuu dhowr jeer si cad u sheegay in ciidamada Israa’iil ay gacanta ku hayaan in ka badan 60% Marinka Gaza, taas oo ka badan 53% lagu heshiiyay xilligii heshiiska xabbad-joojinta ee uu Mareykanku dhexdhexaadiyay bishii Oktoobar 2025.

Sida ku cad heshiiskaas, ciidamada Israa’iil waxay dib ugu gurteen xariiq xuduudeed loo yaqaan “xariiqda jaallaha ah”, taas oo Israa’iil uga tagtay inay maamusho qiyaastii 53% Gaza.

Tallaabooyinka xiga ee qorshaha nabadeed ee ka koobnaa 20 qodob waxay ahayd in Xamaas ay hubka dhigto isla markaana ciidamada Israa’iil ay baxaan, balse wada-hadalladii dadbanaa ee u dhexeeyay Israa’iil iyo kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ayaa hakad galay

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles