Iiraan iyo Mareykanka oo gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojinta

Mareykanka iyo Iiraan ayaa Khamiistii gaaray heshiis lagu kordhinayo xabbad-joojintooda isla markaana lagu qaadayo xayiraadaha maraakiibta ee marinka Hormuz, sida ay Reuters u sheegeen ilo xog-ogaal ah. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wali ma ansixin heshiiska, warbaahinta dowladda Iraan-na waxay sheegtay inaan weli si rasmi ah loo dhammeystirin qodobada heshiiska.

Heshiiskan cusub ayaa kordhinaya muddada xabadda, taas oo lagu daray muddo gaareysa 60 maalmood, wuxuuna oggolaanayaa in dib loo furo isu socodka maraakiibtu marinka hormuz, iyadoo ergadu ay sii wadi doonaan ka shaqeynta arrimaha barnaamijka nukliyeerka Iraan.

Haddii hoggaanka Washington iyo Tehran ay ansixiyaan, tani waxay noqon doontaa tallaabadii ugu weynayd ee nabad lagu gaaro tan iyo markii colaadda ay bilaabatay 28-kii Febraayo.

Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in Trump aanu wali ansixin heshiiska, halka dhanka Iiraan weli aysan wax faallo ah ka bixin wararka ku saabsan heshiiska la soo jeediyay, kaas oo markii ugu horreysay ay werisay Axios.

Wakaaladda wararka Iraan ee Tasnim, oo soo xiganaysa ilo ku dhow kooxda u qaabilsan wadaxaajoodka ayaa sheegeysa in qoraalka heshiiska aan wali la dhammeystirin

“Wali ma aanan gaarin meesha kama dambaysta ah, balse aad ayaan ugu dhow nahay, waxaana sii wadi doonnaa shaqada arrintan,” ayuu Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance u sheegay wariyeyaasha kula hadlayey magaalada Washington.

“Ma dammaanad qaadi karo inaan halkaas gaari doonno, balse hadda waxaan dareemayaa rajo wanaagsan,” ayuu yiri Vance.

Maamulka Trump ayaa dhowr jeer sheegay in heshiis lagu soo afjarayo dagaalka uu dhow yahay, balse Iraan ayaa marar badan beenisay ama ku tilmaamtay kuwo aan cago badan ku taagneyn

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ukraine oo wajahaysa ‘jiilaalkii ugu adkaa’ tan iyo markii Ruushku kusoo qaaday duullaanka baaxadda leh

Ukraine ayaa wajahaysa "jiilaalkeedii ugu adkaa" tan iyo markii...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa lagu...

Madaxweynahe xasan sheekh oo daahfuray barnaamijka abuur iyo sannad-tacliimeedka 2026/2027 ee waxbarashada sare ee dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo guddoomiyey kulanka xisaabtanka sanadlaha ah ee Xukuumadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre...

Shir madaxeedka dalalka BRICS oo doodiisa ay hareeyeen go’aamada masaxweyne Trump

Mareykanku ma aha xubin ka tirsan ururka BRICS, balse...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles