Tuesday, July 28, 2026

Duqeymo culus oo lagu Beegsaday goobo ay Al-Shabaab ku lahaayeen Jubbada dhexe iyo Shabeellaha Hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo culus oo xalay diyaarado dagaal ka fuliyeen saldhigyo iyo xarumo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen gobollada Jubbada Dhexe iyo Shabeellaha Hoose, kuwaas oo la sheegay in lagu gaarsiiyay khasaare aad u weyn.

Duqeymaha ayaa lagu beegsaday ugu yaraan saddex xarumood oo ay deganaayeen ciidamo gaar u tababaran oo isugu jiray ajaaniib iyo Soomaali, kuwaas oo kala daganaa duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, duleedka magaalada Arbacow iyo deegaanka Hawaay ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay sheegayaan xogaha la helayo, weerarrada cirka ah ayaa lagu dhuftay illaa lix gantaal, waxaana jira warar tilmaamaya in halkaasi lagu dilay tiro badan oo ka tirsan maleeshiyaadka, gaar ahaan dagaalmaeyaal ajaaniib ah oo la sheegay inay kor u dhaafayeen 200 xubnood.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in duqeymaha lagu dilay saraakiil sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo ay kamid yihiin:

Abu Cazaam oo u dhashay Yemen, islamarkaana la sheegay inuu ahaa mas’uulka ugu sarreeyay ciidamada kooxda.

Abu Hureera

Abu Muxsin

Abu Rashiid

Abu Maahir

Abu Jaabir, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya.

Dhanka kale, duqeyn kale ayaa lagu burburiyay xaruntii ugu weynayd ee kaydka qaraxyada Al-shabaab, taas oo ku taallay deegaanka Tawakal oo u dhow degmada Sablale ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in halkaasi lagu gubay laguna burburiyay walxaha qarxa ah.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in la burburiyay xarumo kale oo ahaa kayd milatari iyo goobaha lagu qarin jiray hubka culus iyo sawaariikhda, kuwaas oo ku yaallay inta u dhexeysa tuulooyinka Biyamaalow iyo Bulasheekh ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqeymahan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan weerarrada cirka ah ee lagu bartilmaameedsanayo saldhigyada iyo xarumaha muhiimka ah ee Al-shabaab ay ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in la burburiyay xarumo kale oo ahaa kayd milatari iyo goobaha lagu qarin jiray hubka culus iyo sawaariikhda, kuwaas oo ku yaallay inta u dhexeysa tuulooyinka Biyamaalow iyo Bulasheekh ee gobolka Shabeellaha Hoose.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 27 07 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Milateriga Sudan oo shaaciyey guul ay gaareen

Ciidanka Suudaan ayaa sheegay inay si buuxda ula wareegeen...

Iiraan oo u yeertay Safiirka Faransiiska u fadhiya Tehraan

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan ayaa ku dhawaaqday in...

Golaha Mustaqbalka oo Fariin Culus u diray dalalka Ciidamada ka Jooga Soomaaliya

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (Somali Future Council) ayaa warqad furan...

Uganda oo ku biirtay dalalka ku tartamaya codka Soomaaliya ee u sharraxan Xilka Xoghayaha Guud ee Q.M

Dowladda Uganda ayaa si rasmi ah ugu biirtay tartanka...

Soomaaliya oo u yeertay Safiirka Kenya Kadib Wasiirro laga hor Istaagay Nairobi

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u yeertay Safiirka Kenya u...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles