Saturday, March 14, 2026

Ciidanka PMPF oo howlgal culus ka wada Buuraha Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland, gaar ahaan ciidamada PMPF ee qaybta ka ah ciidamada fulinaya hawl-galka Hilaac ee ka ciribtiraya kooxda Daacish Buuralayda Puntland ayaa gulufyo dar-dar xooggan leh ka fuliyey qaybo ka mid ah deegaanno ku teedsan buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Sidoo kale ciidamadu waxa ay hawlgallo gaar ah ka fuliyeen deegaannada Tuulo Ciise, Raybi Diriqle, Dooxo Gibin iyo guud ahaan buuraha iyo togagga ku teedsan magaalada Timirshe ee degmada Iskushuban.

Ciidamadu intii ay ku jireen hawl-galka waxay tog-walba, geed-walba, buur-walba iyo meelkasta ka fuliyeen gulufyo qorshaysan sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay.

Puntland ayaa ku dhawaaqday inay ku jirto dagaal heer Caalami ah, oo ay hoggaaminayaan Argagixisada dunida ugu halista badan ee Daacish.

Qoraal ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada Puntland ee shalay ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ku jirto dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah oo isaga yimid dunida daafaheeda, islamarkaana ay hoggaaminayaan ajaaniib halis ah.

“Dowladda Puntland waxay kujirtaa dagaal ay ku ciribtirayso argagixiso heer Caalami ah, waad ogtihiin in xalay , Maraykanka sida laamahooda Amnigu sheegeen, in nin ka tirsan ISIS/Daacish weerar gaari ku dilay 15qof, sidaasi darteed waa dhacdo la mid ah hawlgalka dharjaale oo aynu argagixisada ISIS/Daacish ku jebinnay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 13 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Turkey oo 4 markab dagaal u soo diraysa xeebaha Somalia

Dowladda Turkey ayaa ku dhawaaqday inay afar markab oo...

Buundada Sabiid iyo Caanoole oo maanta duntay

Buundada ku taalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka...

DFS oo ka digtay saldhig militari oo Israa’iil ka dhisan karto Berbera

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in dhulka dalka...

Trump oo ka hadlay xaalada hoggaamiyaha cusub ee Iran

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in hoggaamiyaha cusub...

Jaamacada Carabta oo soo dhaweysay Ansixinta Dastuurka

Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles