Monday, August 17, 2026

Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgallo Culus ka Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka fuliyay qaybo ka mid ah gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaannada ku teedsan wabiga Shabeelle.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in iska hor imaad culus uu dhexmaray ciidanka iyo dagaalyahannada Al-Shabaab, xilli ay ciidamadu ku sugnaayeen goobaha ay howlgallada ka fuliyeen.

Dagaalka oo socday muddo saacado ah ayaa la sheegay in khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, inkastoo aan la bixin tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Saraakiishu waxay sidoo kale xuseen in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dagaalka ay dowladda federaalka kula jirto Al-Shabaab, ayna sii wadayaan hawlgallada si looga xoreeyo deegaannada ay kooxdu ku sugan tahay.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay sare u qaadeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha AS iyo Daacish , iyagoo dhowaan guulo ka gaaray qeybo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 17 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

MW Xasan Sheekh oo maanta gaaray deegaanka Gelinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira...

DF oo shaacisay khasaaraha ka dhashay dagaalkii Baydhabo

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in abaare 5:00 subaxnimo...

KGS oo ku dhawaaqday in gebi ahaanba la soo Afjaray Weerarkii Baydhabo

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in gebi ahaanba la...

Wasiirka Xasan Eeley oo khawaarij ku tilmaamay Ciidanka Lafta gareen ee weeraray Baydhabo

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya, Xasan Xuseen Maxamed (Eeley), ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles