Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in dalal Afrikaan ah iyo kuwo kale ay wadaan olole diblomaasiyadeed oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland.
Cirro oo hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay magaalada New York, ayaa si gaar ah u xusay Turkiga iyo Masar, isagoo sheegay in Ankara ay dadaallo ka waddo dalal badan oo Afrika ah, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo lagu hor istaagayo aqoonsiga Somaliland.
“Waxa jira waddamo badan oo Afrikaan ah iyo qaar aan Afrikaan ahayn, oo wada olole ay kaga soo horjeedaan aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi Cirro.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in cadaadiska diblomaasiyadeed uu saameyn ku yeeshay qaar ka mid ah waddamada uu sheegay inay doonayeen inay Somaliland aqoonsadaan.
“Taasi waxa ay sababtay in waddamo badan oo doonayay inay na aqoonsadaan ay na aqoonsan,” ayuu yidhi.
Masar ayaa sidoo kale ka mid ah dalalka uu Cirro sheegay inay ka soo horjeedaan aqoonsiga Somaliland. Qaahira waxay si rasmi ah uga soo horjeesatay aqoonsigii Israa’iil ay Somaliland siisay, iyadoo taageertay midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.
Cirro ayaa muujiyay rajo ah in dadaallada Somaliland ay ugu dambayn natiijo ka dhalan doonaan, isagoo sheegay in “xaqiiqdu ay iman doonto.”


