Dad badan oo ku dhintay duqeyn ka dhacday Suudaan

Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen duqeyn xooggan oo ciidamada RSF ay ku qaadeen magaalada El Fasher oo ah magaalada kaliya ee wali gacantooda ku jirta.

War kasoo baxay Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa lagu sheegay in afar iyo labaatan qof ay ku dhinteen duqeymo lala beegsaday bartamaha suuqa magaalada.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijisay weerarkan, laakiin RSF ayaa marar badan lagu eedeeyaa duqeymo aan loo meel dayin iyadoo sii xoojineysa go’doominta.

Xaalada gudaha Ceel-Fasher ayaa la sheegay inaytahay mid quus ah, balse ka qaxidda magaalada ayaa ah mid halis ah. Koox haween ah iyo caruur ah ayaa la dilay dhamaadkii todobaadka iyaga oo isku dayaya in ay ka baxaan magaalada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles