Wednesday, March 4, 2026

Dagaal beeleed saaka ka qarxay Galbeedka Gobolka Mudug

Dagaal beeleed xooggan ayaa saaka mar kale deegaanka Saaxa-qurun ee galbeedka Gobolka Mudug ka qarxay kaasoo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo deegaanka ah, waxaana fashilmay isku day dadaal nabadeed oo socday.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib is maandhaaf ka dhashay ceel biyood, sida la sheegay ay mid ka mid ah labadaasi beelood ka hirgelineysay duleedka deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsadayo.

Labada maleeshiyo ee dagaalka uu u dhaxeeyo ayaa ka soo kala jeeda koofurta Magaalada Gaalkacyo iyo Degmada Galdogob, ama ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Ma jirto cid illaa iyo hadda kala dhex gashay maleeshiyadaasi, balse odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, nabaddana laga wada shaqeeyo.

Colaadda beelahan deriska ah ayaa ku soo noqnoqotay gobolka, iyaga oo ka dhaxlay dib-u-dhac, amni darro iyo in dhiig badani oo dhexdooda ah ay iska daadiyaan.

Dhowrkii sano ee ugu dambeysay beelahan ayaa nabad iyo iskaashi dhinaca horumarka ah ku wada joogay gobolka, ka dib heshiis nabadeed oo sanadkii 2020 ay ku gaareen Degmada Bandiiradley.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles