Soomaaliya iyo Jabuuti oo isku raacay inay sii xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya labada dal

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa hambalyo waxa uu u diray dhigiisa Dalka Jabuuti Cabduqaadir Xuseen Cumar oo shalay loo magacaabay inuu noqdo wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha Dibadda ee Jabuuti.

Wasiir Fiqi, ayaa teleefoonka kula hadlay , Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti, Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar, isaga oo u jeediyay hambalyo diirran oo ku aaddan xilka loo magacaabay.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Intii khadka isgaarsiinta lagu wadahadlayay, Wasiir Fiqi waxa uu adkeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee walaalnimo iyo kan diblomaasiyadeed ee xooggan ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti.

Sidoo kale waxa Wasiirka arrimaha dibadda Soomaliya Axmed Fiqi u caddeeyay dhigiisa Jabuuti aragti-wadaagga dhanka iskaashiga iyo horumar is-dhaafsiga iyo kalsoonida uu ku qabo hoggaaminta Wasiirka Jabuutiyaanka ee xoojinta xasilloonida gobolka iyo sare-u-qaadidda dano-wadaagga.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 05 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Loollanka Israel iyo Turkey oo kusoo wajahan Geeska Afrika, Somaliland iyo Soomaaliya

 Warbixin ay baahisay Middle East Eye ayaa sheegtay...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la yeeshay Madaxweynaha Eritrea

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan...

Dowladda Itoobiya oo Ka Jawaabtay Kulankii Soomaaliya, Masar, Eritrea iyo Suudaan

Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay kulankii ay Soomaaliya, Masar,...

Badmaaxiin u dhashay Masar oo Soomaaliya laga sii daayay oo gaaray Qaahira

Siddeed badmaaxiin oo u dhashay dalka Masar ayaa gaaray...

R/Wasaare Xamse oo gaaray degmada Balanbale

Ra’iisul Wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles