Tuesday, March 3, 2026

Dagaal culus oo ka qarxay Magaalada Dhahar ee Sanaag

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in uu halkaas ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamo ka amar qaata Maamulka Puntland iyo ciidamo deegaanka ah oo ka tirsan Beesha Maakhir, kuwaasoo si buuxda u taageersan dhismaha maamulka Maakhir iyo shirka ka socda magaalada Laascaanood ee lagu dhisayo maamulka Khaatumo.

Rasaasta ayaa si xooggan uga bilaabatay Xaafadda Sare ee magaalada Dhahar, halkaasoo ah gudaha laga soo galo magaalada, islamarkaana ay ku sugan yihiin fariisimo ay leeyihiin ciidamada deegaanka Beesha degta magaaladaasi.

Dagaalka ayaa u muuqda mid salka ku haya khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay mowqifka kala duwan ee ay labada dhinac ka taagan yihiin arrinta ku biirista Maakhir ee maamulka SSC-Khaatumo, iyo in magaalada Dhahar ay qeyb ka noqoto nidaamkaasi cusub.

Illaa iyo hadda faahfaahin rasmi ah lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaalka, balse wararka qaar ayaa sheegaya in laga cabsi qabo in xaaladdu faraha ka baxdo haddii aan si degdeg ah loo joojin dagaalka.

Dagaalkan ka socda magaalada Dhahar ayaa imaanaya xili magaalada Laascaanood uu ka socdo Shirweynaha lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC Khaatuma.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles