Monday, September 1, 2025

Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Doolow ee G/Gedo

Wararka laga helayo degmada Doolow ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo la socda kuwa maamulka Jubbaland xalay weerar ku qaadeen xero ciidanka nabadsugida Soomaaliya ku leeyihiin degmadaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidanka dowladda lagu weeraray xeradii ay joogeen, iyadoona dagaal saacado badan uu halkaasi ka socday.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Itoobiya, ayaana la sheegay in ciidanka dowladda taabcasan ee joogga xerada la weeraray ku amreen in ay is dhiibaan soona wareejiyaan hubka ay heystaan, hasa ahaatee ciidamada ayaa amarkaasi diiday dagaalna la galay ciidamada huwanta ah.

Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalka xalay ย ka dhacay degmada Doolow ayaan la ogeyn inta uu la egyahay.

Xerada xalay la weeraray ayaa la sheegay in ay joogeen ciidamo taabacsan Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo dhawaan DFSย  usoo magacawday taliyaha NISA ee Gedo, waxaana xerada la weeraray yaalay gaadiid dagaal uu horey Janan ugu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar 31/08/2025

Dhageeyso Warka Habeenimo ee Radiojowhar Warka Waxa Akhrinaya Wariye...

Guddoomiye Muungaab oo 48-saac u qabtay inay ku dhammayso shirkada dhisaysa wadada Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Riday Ex Dable NISA Maxamed Buulle Muumin

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta...

Madasha Samatabixinta: โ€œDoorashada uu Xasan Sheekh ka wado Banaadir waa sharci darro halis lehโ€

Warsaxaafadeed ka soo baxay madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa waxaa...

DFS oo ku dhawaaqday in la dhameystiray dhismaha DG Waqooyi Bari

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Xukuumadda...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles