Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa waxaa uu ka socdaa deegaanka Abooreey ee Hiiraan.
Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay kaddib markii weerar xooggan ay qaadeen Ciidanka Dowladda iyo kuwa deegaanka Aboorey oo ay heysteen kooxda Al-shabaab.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, iyadoona weli uu dagalka socdo sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa sheegay in ciidamada xoogga ay weli howlgal ka wadaan deegaanka Aboorey.